Wednesday, 26 December 2018

Mucaarad

  Mucaarad




Waxaa dunida ku soo kordhay qarnigii 19aad  erey siyaasadeed, erey siyaasadeedkaas oo ah Dimuquraadiyad, waxaa ka feer dilaacay erey kale oo ah mucaarad ( Ka hor imaansho).

Waxaan qaadaa dhigi doonaa erey siyaasadeedka mucaarad oo in badan oo bulshada ka mid ah ay ku wareereen, maqaalkaan waxaa ku soo koobi doonaa, oo qeybin doonaa ilaa shan xubnood oo kala ah:-

1: Waa maxay mucaaradad?
2: Xuquuqda mucaaradka.
3: Waxa laga rabo mucaaradka.
4: Hababka loo ogolyahay inay adeegsadaan.
5: Kaalinta mucaaradka ee dowladnimada.

1:Waa maxay mucaarad?

Mucaarad waa erey aad loo adeegsado,  hadaan ereyga asal ahaan kuu iftiimiyo waa erey laatiin ah, (oppositus) waa erey macno ahaan ah fal, waxaa kaloo loo yaqaanaa (opponere) oo macnaheedu yahay carqalad ama kala dhax galid.

Ereyga mucaarad waxa uu leeyahay macno badan, mucaaarada waa ka hor imaansho koox, kooxdaas oo ah xukuumadda.

Mucaarad siyaasad ahaan waa dhamaan dhaqdhaqaayada iyo axzaabta siyaasada oo ka soo horjeedo xoogagga siyaasadda ee hayo talada dalka.

Mcaaradadu waa wax asaasi u ah nidaamka dimuquraadiyadda, waxaa laga rabaa inay leeyihiin barnaamij badali karo, xalna u heli karo dhibaatooyinka taagan.
Ujeedooyinka mucaaradka waa gaarista xukunka; sidaas darteed waxay banaanka soo dhigayaan dulduleeda xukuumada, waxay dhaliilo u jeedinayaan xukuumadda, waxay ku kicinayaan bulshada; si ay uga hor imaadaan xukuumadda, waxa kaliya oo aan loo ogoleyn si ay ku gaaraan xukun waa inaysan hub iyo dagaal aysan kala hor imaan xukuumadda.

2:Xuquuqda mucaaradka.

Dastuurka waxa uu siinayaa mucaaradka xuquuq waxaan ka mid ah :-


  • Inay helaan maamuus iyo aqoonsi. 
  • Inay helaan xogta ku saabsan siday u shaqetso xukuumadda.
  • Inay ku yeeshaan kuraas qeybaha kala duwan ee dowladda.


3: Waxa laga rabo mucaaradka.

Xuquuq waxay ka dhalaataa inaad leedahay waajibibaad, mucaaradka madaama ay xuquuq heleen waxaa laga rabaa inay sameyaan waxa soo socdo:-


  • Waa inay ixtiraamaan xeerarka, madaama uu yahay waxa siiyay aqoonsiga.
  • Waxaa laga rabaa inay dhisaan gudiyo iyo inay diyaariyaan xeerar awoodsiinaayo markay kala kulmaan xukuumadda cadaadis.
  • Inay doodo ku furaan markay helaan xog iyo cadeymo ku filan, waa inay balaariyaan doodaha ku aadan xukuumadda iyo xuquuqda dadweynaha, kuna qasbaan xukuumadda inaysan go'aamo iska qaadan oo ay ka fiirsato tilaabooyinkay qaadayso.
  • Inay isku diyaarshaan qabashada hogaan dalka, iyagoo dirinaayo qorshooyin wax ka badali karo waxa ay ka hor imadeen, oo aysan soo celin qaladka qoladii hore ee xilka ka dagtay.
  • Inay isha ku hayaan dhaqdhaqaaq xukuumadda, u dhaliilaan si cilmiyaysan oo dal dhisid ah.


4: Hababka loo ogolyahay inay adeegsadaan.

Sidaan horay kuugu soo sheegay mucaaradka  xaq waa  u leeyahay inuu  gaaro taladda dalka, isaga oo aan adeegsaneynin hub iyo dagaal. Hababka uu ku gaari karo waxaa ka mida ah:-


  • xukuumadda inay ugu yeeraan golaha baarlamaanka ayagoo ho rdhigayo weydiino iyo dhaliiaha ay u hayaan.
  • waxay ka hor imaan karaan xeeraka iyo go'aamada ay soo jeediso xukuumadda, iayagoo daah ka rogayo waxyaabahay kaga hor imaadeen, baarayana waxa keenay in xiligaan la soo saaro go'aamadaan iyo xeerarkaan.
  • waxay dabagal ku sameyn karaan arimaha musuqmaasuqa ay sameynayaan mas'uuliyiinta qaar, ayagoo keenayo cadeymo sugana una bandhigayo garsoorka iyo bulshada.
5:Kaalinta mucaaradka ee dowladnimadda.

Mucaaradka waa dhagax dhiga dowladda, waxay la mid yihiin xukuumadda, mucaaradka iyo xukuumadda waa labada dhinac ee halka shilin, waxay ku wada shaqeeyaan waxay wadaa dhiteen , waana meesha hormarka ka dhasho kala duwanaashiyaha fikirka, dowladaha qaar waxy siyaan mucaaradka jagooyin waaweyn sida dowladda Biritan oo kale.

Ugu danbeyn waxaa ku soo af meerayaa, mucaaradadu maaha tilmaam hal meel joogto ku ah, ee waa wax isbadbadalo, mucaaradka maanta waa madaxda bari, madaxda maantana waa mucaardka bari.
Mucaaradada waa dhagax dhiga dowladnimadda , waxay tusaan xuukuumadda qaladkeeda, waxay xal u keenaan arimaha murugsan , waxay u horseedaan dalka daah furnaan iyo isla xisaabtan, waxay ka hortagaan in bulshada la caburiyo, waxay gaarsiyaan bulshada xaqiiqada jirto, waa haddii aan garano mucaaradada saxda ah.

W/Q: Hassan Abdullaahi 

Tuesday, 18 December 2018

Musuq-maasuqa maamulka.



               
                       Musuq-maasuqa maamulka.

Ugu horeyn waxaan rabaa inaan kula wadaago warbixin aan kaaga diyaariyay musuq-maasuqa, waxaa in badan isweydiisay waa maxa musuq-maasuq?

Halkaan waxaad ka heli doontaa weydiimahaaga  ku saabnsan musu-maasuqa maamulka, waxaa si faahfaahsan kuula wadaagayaa waxa maanka kaa qasay oo aad u heli doontid warcelin ku daweyso.

Aan ku bilaabo waa maxay musuq-maasuq?

Musuq-maasuqa waa ku takri falida awooda dowlada si loo hirgaliyo hiraal qofeed ama kooxeed oo sharici aheyn. waa in awooda dowladda loo adeegsado si aan sharci aheyn, oo lagu gaaro dano gaar ah qolo ama qof.

Qeyabaha musuqa.

Qeybaha musuq-maasuqa waxaa ugu weyn sadax qeybood oo kala ah:-

1:Xigto, Nin jecleysi, waasidho.

Qeybtaan waa qeybata ugu badan oo lagu arko maamulada waxa gaar ku ah hal maamul maaha ee waa wax maamuladda oo dhan ku dhacaan , Engilish ahaan waxaa loo yaqaanaa (Nepotism) oo asal ahaan ah erey laatiin ah, waxa uu ka yid ereyga (Nephew) oo ah wiil walaakaa ama walaashaa dhashay.
Markaas waxaa dhaceyso in xil loo dhiibo qofaan gudan kari isagoo loogu dhiibaayo xigto ahaan, nin jecleysi.
Waxaa kaloo loo yaqaanaa xiriiriye waa kala badalasho agab iyo adeeg si uu helo taageero siyaasadeed, waxayna ku dhisantahay xeerka (Qaado kan isii kaas).

2:Laaluush.

Waa qeybta labaad ee aad loo adeegsado wana bixin lacageed si uu u helo waxa uu san mudneyn, ama looga dhaafo wax lagu lahaa, sida Danbi iyo I.W.M.


3:Goodin ama cagajugleyn.

Waa qeybta sadaxaad ee musuq-maasuqa, waa in qof ku handado qof kale awooda dowlada, ama xog uu ka hayo qofkaas si uu u fuliyo rabitaankiisa, waxaa ka mid ah qof in la yiraahdo waxaan kaa eryaa shaqada, ama waan ku xiraa, ama waxaan kaa deynaa ganaax laga rabay, waxaa la yiraahdaa lacagtaas lugu bixiyo habkaas laaluushka aamusinta.

Sameynta musuq-maasuqa.

Sidaan ognahay dhacdo walbo waxa leedahay saameyn ay reebto sidaas si la mid ah musuquna waxa uu leeyahay sameeyn aw ku dhinacyo badan sida:-

Sameynta dhanka maamulka.

Waxuu hoos u dhigtaa maalgashiga hantida dowlada waxaa si dadban iyo toos ah waxaa laaga faa'iideystaa maalgashi gaar ah oo qof ama qolo gaar ah ka faa'iido.
waxuu hoos dhigaa maamuuska mas'uulka, ayadoo codkiisa looga gadato hanti , qof ku iibsaday waxba kuuma hayo.
Waxuu  awooda ka qaadaa garsoorka ayadoo hadba kan lacagta badan loo eexdo.
Waxa uu lumiyaa caadaalada marka la qeybinayo xilalka maamulka guud ayadoo lagu qeybiyo si aan sax aheyn.

Sameynta dhanka dhaqaalaha.

waxa ka dhasho musaqa waxayaabo badan oo dhaqan dhaqaalaha badalo oo dhaliyo sicir barar iyo hoos udhac dhanka dakhliga dowladda, waxa bato laaluushka si loola baxsado canshuuraha iyo iyo dakhliga dowladda, waxaa si aan sharci aheyn qandaraasyo siiyaa cidaan mudnay oo laga qaato laaluush, waxaa abuurmo kala sareyn dhanka dhaqaalaha ah ee bulshada dhexdeeda, waxay lacagta gacantu u galee dad gaar ah, waxaa lu maayo hab maamulkii dhaqaalo.


Waxayaabaha suura galin karo musuqa.

Howl kaste waxabaa sahlo inay dhacdo, musuq-maasuqana waxaa sababo waxyabahaan.soo socdo:-

A:- Maamul ahaan.

1:- Dowlad ay wada dhiseen dad aan si dhab ah hashiis u aheyn.

2:- Awooda dowladda oo gasho gacmaha sameyayaasha go'aamada masiirga ah, ayagoo aan matalaad rasmi ah ka heysan shacabkooda.

3:- jiritaan la'aan xoriyadeed, iyo maqnaashiyo doorashada shacabka.

B:- Xog ahaan.

1:- xogta laga heli karo xukuumadda oo yaraato, ama inaysan jirin daahfurnaan dhanka xogaha ah.

2:- caburin loo geysto warbaahinta iyo kor joogayaasha, iyo indheergaradka, aqoonyahanadda.

3:- Isla-xisaabtanka oo yar, iyo wax ka  weydiinta maamulka maaliyadda.

c:- Fursadaha iyo waxa dhiirgalin karo.

1:- Hantida dowladda oo loo edeegsado maalgashiyo waaweyn oo aan danta guud aheyn.

2:-Mushaaraadka shaqaalaha oo lagu yareeyo.

D:- Bulsho ahaan.

1:- Danley oo talada qabsato.

2:- Dadkoo ah dad aan waxna qorin waxna aqrin, ama aysan dan ka laheyn waxay sameynayaan maamulka, ama ah dad caado ka dhigtay maxaa iga galay.

E:- Garsoor ahaan iyo xeer ahaan.

1:- Awoodda garsoorka oo liidato.

2:- Xirfad yari dhanka garsoorka ah.

3:- Doorashada madaxda oo aan toos aheyn.

4:- Ololoha doorashada oo qarash badan lagu bixiyo.

5:- Korjoogta iyo kormeerayaasha oo yar ama aan jirin xiliga doorashada.

Haddii aan ogaanay waxa uu yahay musuq-maasuq iyo qeybihiisa, saameynta uu ku leeyahay dhinacyadda siyaasadda iyo dhaqaalaha, iyo waxa keeno, waxaa lagama maarmaan ah in aan helno xalka iyo inaan ka hortagno, waxaan ku soo koobeynaa iyadoo uu badan yahay xalka shantan qodob oo waaweyn oo kala ah:-

1:- Dhisidda hayadda la dagaalanka musuq-maasuqa.

2:- Dhaqan galinta sharciga islaamka, iyo xoojinta golaha garsoorka.

3:- Shqaalaha dowladda oo looga digo lana baro halista ka dhalan karto musuq-maasuqa, loona cadeyo ciqaabta uu mari doono qofkii lagu helo.

4:- In la dhiirigaliyo cida soo sheegto fal musuq-maasuq iyo cidda gacanta ku soo dhigto.

5:- Bulshadda oo loo sheego qofkii musuqa dhiiri galiyo inuu muteysanaayo ciqaab.

W/Q: Hassan Abdullaahi



Dagaal ogista jooji

Dagaal ogista jooji Waxaa maankeyga qasay, macaanka hurdada ii diiday, dareen xoog leh, oo igu riixay inaan qormo, ka qoro hab nolledkeena...