Mucaarad
Waxaa dunida ku soo kordhay qarnigii 19aad erey siyaasadeed, erey siyaasadeedkaas oo ah Dimuquraadiyad, waxaa ka feer dilaacay erey kale oo ah mucaarad ( Ka hor imaansho).
Waxaan qaadaa dhigi doonaa erey siyaasadeedka mucaarad oo in badan oo bulshada ka mid ah ay ku wareereen, maqaalkaan waxaa ku soo koobi doonaa, oo qeybin doonaa ilaa shan xubnood oo kala ah:-
1: Waa maxay mucaaradad?
2: Xuquuqda mucaaradka.
3: Waxa laga rabo mucaaradka.
4: Hababka loo ogolyahay inay adeegsadaan.
5: Kaalinta mucaaradka ee dowladnimada.
1:Waa maxay mucaarad?
Mucaarad waa erey aad loo adeegsado, hadaan ereyga asal ahaan kuu iftiimiyo waa erey laatiin ah, (oppositus) waa erey macno ahaan ah fal, waxaa kaloo loo yaqaanaa (opponere) oo macnaheedu yahay carqalad ama kala dhax galid.
Ereyga mucaarad waxa uu leeyahay macno badan, mucaaarada waa ka hor imaansho koox, kooxdaas oo ah xukuumadda.
Mucaarad siyaasad ahaan waa dhamaan dhaqdhaqaayada iyo axzaabta siyaasada oo ka soo horjeedo xoogagga siyaasadda ee hayo talada dalka.
Mcaaradadu waa wax asaasi u ah nidaamka dimuquraadiyadda, waxaa laga rabaa inay leeyihiin barnaamij badali karo, xalna u heli karo dhibaatooyinka taagan.
Ujeedooyinka mucaaradka waa gaarista xukunka; sidaas darteed waxay banaanka soo dhigayaan dulduleeda xukuumada, waxay dhaliilo u jeedinayaan xukuumadda, waxay ku kicinayaan bulshada; si ay uga hor imaadaan xukuumadda, waxa kaliya oo aan loo ogoleyn si ay ku gaaraan xukun waa inaysan hub iyo dagaal aysan kala hor imaan xukuumadda.
2:Xuquuqda mucaaradka.
Dastuurka waxa uu siinayaa mucaaradka xuquuq waxaan ka mid ah :-
- Inay helaan maamuus iyo aqoonsi.
- Inay helaan xogta ku saabsan siday u shaqetso xukuumadda.
- Inay ku yeeshaan kuraas qeybaha kala duwan ee dowladda.
3: Waxa laga rabo mucaaradka.
Xuquuq waxay ka dhalaataa inaad leedahay waajibibaad, mucaaradka madaama ay xuquuq heleen waxaa laga rabaa inay sameyaan waxa soo socdo:-
- Waa inay ixtiraamaan xeerarka, madaama uu yahay waxa siiyay aqoonsiga.
- Waxaa laga rabaa inay dhisaan gudiyo iyo inay diyaariyaan xeerar awoodsiinaayo markay kala kulmaan xukuumadda cadaadis.
- Inay doodo ku furaan markay helaan xog iyo cadeymo ku filan, waa inay balaariyaan doodaha ku aadan xukuumadda iyo xuquuqda dadweynaha, kuna qasbaan xukuumadda inaysan go'aamo iska qaadan oo ay ka fiirsato tilaabooyinkay qaadayso.
- Inay isku diyaarshaan qabashada hogaan dalka, iyagoo dirinaayo qorshooyin wax ka badali karo waxa ay ka hor imadeen, oo aysan soo celin qaladka qoladii hore ee xilka ka dagtay.
- Inay isha ku hayaan dhaqdhaqaaq xukuumadda, u dhaliilaan si cilmiyaysan oo dal dhisid ah.
4: Hababka loo ogolyahay inay adeegsadaan.
Sidaan horay kuugu soo sheegay mucaaradka xaq waa u leeyahay inuu gaaro taladda dalka, isaga oo aan adeegsaneynin hub iyo dagaal. Hababka uu ku gaari karo waxaa ka mida ah:-
Sidaan horay kuugu soo sheegay mucaaradka xaq waa u leeyahay inuu gaaro taladda dalka, isaga oo aan adeegsaneynin hub iyo dagaal. Hababka uu ku gaari karo waxaa ka mida ah:-
- xukuumadda inay ugu yeeraan golaha baarlamaanka ayagoo ho rdhigayo weydiino iyo dhaliiaha ay u hayaan.
- waxay ka hor imaan karaan xeeraka iyo go'aamada ay soo jeediso xukuumadda, iayagoo daah ka rogayo waxyaabahay kaga hor imaadeen, baarayana waxa keenay in xiligaan la soo saaro go'aamadaan iyo xeerarkaan.
- waxay dabagal ku sameyn karaan arimaha musuqmaasuqa ay sameynayaan mas'uuliyiinta qaar, ayagoo keenayo cadeymo sugana una bandhigayo garsoorka iyo bulshada.
Mucaaradka waa dhagax dhiga dowladda, waxay la mid yihiin xukuumadda, mucaaradka iyo xukuumadda waa labada dhinac ee halka shilin, waxay ku wada shaqeeyaan waxay wadaa dhiteen , waana meesha hormarka ka dhasho kala duwanaashiyaha fikirka, dowladaha qaar waxy siyaan mucaaradka jagooyin waaweyn sida dowladda Biritan oo kale.
Ugu danbeyn waxaa ku soo af meerayaa, mucaaradadu maaha tilmaam hal meel joogto ku ah, ee waa wax isbadbadalo, mucaaradka maanta waa madaxda bari, madaxda maantana waa mucaardka bari.
Mucaaradada waa dhagax dhiga dowladnimadda , waxay tusaan xuukuumadda qaladkeeda, waxay xal u keenaan arimaha murugsan , waxay u horseedaan dalka daah furnaan iyo isla xisaabtan, waxay ka hortagaan in bulshada la caburiyo, waxay gaarsiyaan bulshada xaqiiqada jirto, waa haddii aan garano mucaaradada saxda ah.
W/Q: Hassan Abdullaahi