Tuesday, 18 December 2018
Musuq-maasuqa maamulka.
Musuq-maasuqa maamulka.
Ugu horeyn waxaan rabaa inaan kula wadaago warbixin aan kaaga diyaariyay musuq-maasuqa, waxaa in badan isweydiisay waa maxa musuq-maasuq?
Halkaan waxaad ka heli doontaa weydiimahaaga ku saabnsan musu-maasuqa maamulka, waxaa si faahfaahsan kuula wadaagayaa waxa maanka kaa qasay oo aad u heli doontid warcelin ku daweyso.
Aan ku bilaabo waa maxay musuq-maasuq?
Musuq-maasuqa waa ku takri falida awooda dowlada si loo hirgaliyo hiraal qofeed ama kooxeed oo sharici aheyn. waa in awooda dowladda loo adeegsado si aan sharci aheyn, oo lagu gaaro dano gaar ah qolo ama qof.
Qeyabaha musuqa.
Qeybaha musuq-maasuqa waxaa ugu weyn sadax qeybood oo kala ah:-
1:Xigto, Nin jecleysi, waasidho.
Qeybtaan waa qeybata ugu badan oo lagu arko maamulada waxa gaar ku ah hal maamul maaha ee waa wax maamuladda oo dhan ku dhacaan , Engilish ahaan waxaa loo yaqaanaa (Nepotism) oo asal ahaan ah erey laatiin ah, waxa uu ka yid ereyga (Nephew) oo ah wiil walaakaa ama walaashaa dhashay.
Markaas waxaa dhaceyso in xil loo dhiibo qofaan gudan kari isagoo loogu dhiibaayo xigto ahaan, nin jecleysi.
Waxaa kaloo loo yaqaanaa xiriiriye waa kala badalasho agab iyo adeeg si uu helo taageero siyaasadeed, waxayna ku dhisantahay xeerka (Qaado kan isii kaas).
2:Laaluush.
Waa qeybta labaad ee aad loo adeegsado wana bixin lacageed si uu u helo waxa uu san mudneyn, ama looga dhaafo wax lagu lahaa, sida Danbi iyo I.W.M.
3:Goodin ama cagajugleyn.
Waa qeybta sadaxaad ee musuq-maasuqa, waa in qof ku handado qof kale awooda dowlada, ama xog uu ka hayo qofkaas si uu u fuliyo rabitaankiisa, waxaa ka mid ah qof in la yiraahdo waxaan kaa eryaa shaqada, ama waan ku xiraa, ama waxaan kaa deynaa ganaax laga rabay, waxaa la yiraahdaa lacagtaas lugu bixiyo habkaas laaluushka aamusinta.
Sameynta musuq-maasuqa.
Sidaan ognahay dhacdo walbo waxa leedahay saameyn ay reebto sidaas si la mid ah musuquna waxa uu leeyahay sameeyn aw ku dhinacyo badan sida:-
Sameynta dhanka maamulka.
Waxuu hoos u dhigtaa maalgashiga hantida dowlada waxaa si dadban iyo toos ah waxaa laaga faa'iideystaa maalgashi gaar ah oo qof ama qolo gaar ah ka faa'iido.
waxuu hoos dhigaa maamuuska mas'uulka, ayadoo codkiisa looga gadato hanti , qof ku iibsaday waxba kuuma hayo.
Waxuu awooda ka qaadaa garsoorka ayadoo hadba kan lacagta badan loo eexdo.
Waxa uu lumiyaa caadaalada marka la qeybinayo xilalka maamulka guud ayadoo lagu qeybiyo si aan sax aheyn.
Sameynta dhanka dhaqaalaha.
waxa ka dhasho musaqa waxayaabo badan oo dhaqan dhaqaalaha badalo oo dhaliyo sicir barar iyo hoos udhac dhanka dakhliga dowladda, waxa bato laaluushka si loola baxsado canshuuraha iyo iyo dakhliga dowladda, waxaa si aan sharci aheyn qandaraasyo siiyaa cidaan mudnay oo laga qaato laaluush, waxaa abuurmo kala sareyn dhanka dhaqaalaha ah ee bulshada dhexdeeda, waxay lacagta gacantu u galee dad gaar ah, waxaa lu maayo hab maamulkii dhaqaalo.
Waxayaabaha suura galin karo musuqa.
Howl kaste waxabaa sahlo inay dhacdo, musuq-maasuqana waxaa sababo waxyabahaan.soo socdo:-
A:- Maamul ahaan.
1:- Dowlad ay wada dhiseen dad aan si dhab ah hashiis u aheyn.
2:- Awooda dowladda oo gasho gacmaha sameyayaasha go'aamada masiirga ah, ayagoo aan matalaad rasmi ah ka heysan shacabkooda.
3:- jiritaan la'aan xoriyadeed, iyo maqnaashiyo doorashada shacabka.
B:- Xog ahaan.
1:- xogta laga heli karo xukuumadda oo yaraato, ama inaysan jirin daahfurnaan dhanka xogaha ah.
2:- caburin loo geysto warbaahinta iyo kor joogayaasha, iyo indheergaradka, aqoonyahanadda.
3:- Isla-xisaabtanka oo yar, iyo wax ka weydiinta maamulka maaliyadda.
c:- Fursadaha iyo waxa dhiirgalin karo.
1:- Hantida dowladda oo loo edeegsado maalgashiyo waaweyn oo aan danta guud aheyn.
2:-Mushaaraadka shaqaalaha oo lagu yareeyo.
D:- Bulsho ahaan.
1:- Danley oo talada qabsato.
2:- Dadkoo ah dad aan waxna qorin waxna aqrin, ama aysan dan ka laheyn waxay sameynayaan maamulka, ama ah dad caado ka dhigtay maxaa iga galay.
E:- Garsoor ahaan iyo xeer ahaan.
1:- Awoodda garsoorka oo liidato.
2:- Xirfad yari dhanka garsoorka ah.
3:- Doorashada madaxda oo aan toos aheyn.
4:- Ololoha doorashada oo qarash badan lagu bixiyo.
5:- Korjoogta iyo kormeerayaasha oo yar ama aan jirin xiliga doorashada.
Haddii aan ogaanay waxa uu yahay musuq-maasuq iyo qeybihiisa, saameynta uu ku leeyahay dhinacyadda siyaasadda iyo dhaqaalaha, iyo waxa keeno, waxaa lagama maarmaan ah in aan helno xalka iyo inaan ka hortagno, waxaan ku soo koobeynaa iyadoo uu badan yahay xalka shantan qodob oo waaweyn oo kala ah:-
1:- Dhisidda hayadda la dagaalanka musuq-maasuqa.
2:- Dhaqan galinta sharciga islaamka, iyo xoojinta golaha garsoorka.
3:- Shqaalaha dowladda oo looga digo lana baro halista ka dhalan karto musuq-maasuqa, loona cadeyo ciqaabta uu mari doono qofkii lagu helo.
4:- In la dhiirigaliyo cida soo sheegto fal musuq-maasuq iyo cidda gacanta ku soo dhigto.
5:- Bulshadda oo loo sheego qofkii musuqa dhiiri galiyo inuu muteysanaayo ciqaab.
W/Q: Hassan Abdullaahi
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Dagaal ogista jooji
Dagaal ogista jooji Waxaa maankeyga qasay, macaanka hurdada ii diiday, dareen xoog leh, oo igu riixay inaan qormo, ka qoro hab nolledkeena...
1 comment:
Waa qor aad noo anfacday
Post a Comment