Saturday, 9 November 2019

Dagaal ogista jooji

Dagaal ogista jooji

Waxaa maankeyga qasay, macaanka hurdada ii diiday, dareen xoog leh, oo igu riixay inaan qormo, ka qoro hab nolledkeena iyo sidaan nahay .

Waxaan ka dhashay bulsho mar walbo dhiilo colaadeed sida, bulsha ah afku dhiigle, lug ku dhiigle, gacan ku dhiile,  qormo ku dhiigle, dhago ku dhiigle, qalbi ku dhiigle, jeeb ku dhiigle.

 Hadaan idiin jilciyo afku dhiigle waa: Midka guubaabiyo colaadda, hadey ahaan laheyd gabay, guuroow, maaso iyo shirib, baraanbur iyo soo jeedin, afku dhiiglaha waa horiyaha dagaalada.

Lug ku dhiigle waa: Midka tago goobaha dagaalada lagu riiqmay ka dhacaan, isagoo doonay inuu ogaado waxa meesha ka dhacay.

Gacan ku dhiigle waa: Midka seef, tooreey, qori wax ku dilo,  isaga oo adeegsanayo gacan tiisa.

Qormo ku dhiigle waa: Midaka u daran ee labeyo afku dhiiglaha, waa kan gaarsiiya cirifyada dhulka colaadda dabkeeda, asaga oo adeegsanaya fariin qoraaleedka.

Dhag ku dhiigle waa: Midka ay u duleelaan maqalka xogta colaadda iyo daadashada dhiiga, oo aan wanaag iyo nabada aan maqal.

Qalbi ku dhiigle waa: Midka laabta ka jecel colaada iyo qubashada dhiiga.

Jeeb ku dhiigle waa: Midka had iyo jeer ku bixiyo hanti sidii loo daadin lahaa dhiiga.

Waxaan ka dhashay bulsho aan garaneynin halka laga galay iyo meesha ay u socoto; ilen horaa loo yiri:(Qofkii aan garan mesha uu ka yimid ma garto mesha uu socdo); sidaas darteed waa inaan dib u celinaa xusuusta, dhibkaan waxa uu jiraa inta soomali ay jirto, waa sida aan anigu qabo hadii aad adiga isweydiisid, aabahaa yaa col u ahaa, awoowgaa yaa col u ahaa, abkowgaa yaa col u ahaa, waxaa laguu sheegaa qolo hebel waxay dileen abkowgaa, awoowgaa, aabahaa  iyo dadka kuu dhow dhow, waa waxa heysto qoys walbo oo soomaali ah, oo uu isweydiinaayo jiil walbo,  waxa uu eeda ku tuuraa jiilkii ka horeyay.

Si loo asaleyo dhibka waa in la sameyaa baaris xeel dheer, oo si qoto dheer u turxaan bixiso, waxa aan dareemayo, adiga aad dareemeysid, ayada ay dareemeyso, asaga u dareemaayo, oo aan u noqonay dad u dulman.

Waxaan filaa hadii aan u helno warcelino weydiimaha soo socdo :-

1: Maxaan isu dilnay oo aan dabka colaad kuwa ka shaqeyo u noqonay?
2: Ma jiraan miyaa wax tix raac ah oo aan raaci karno si aan xal waaro ugu helno?
3: Hadii aan weynay maxaan u weynay ?
4: Raali miyaan ka noqonaa anagoo joogna qarniga 21aad inaan sidaan ku sii jirno?
5: Raali maan ku nahay inaan u beerno caruurteena tiintiin qodxo leh?
6: Xal ma u heli karnaa, waasa maxay xalku ?

Weydiimahaan iyo kuwa kale, oo ka badan hadii aan warcelin waafi ah, u helno waxaan isleeyahay waxaan u diyaarin karnaa jiilka naga danbeyo gogol nabadeed, oo ay ku ilaashadaan diintooda iyo dalkooda iyo dadkoda.

Waxaa la sheegaa islaamku in uu soomaaliya soo gaaray bilawgiisa, markii ay muslimiinta ka soo hijroodeen Makah una soo hijroodeen ardul-xabash, haddii uu arinku saas yahay,  maxaan ugu heshiin weynay nimcada islaamka, misa uma fahmin siday u fahmeen labadii qabiil ee muda dheer dagaalada lagu jabay isku hayay ee Ows iyo Khazraj, waa labo qabiil oo carab ahay markii ay qaateen islaamnimada, waxay isku noqdeen walaal isjecel oo mida ah.

Anaga ma islaamnimadaa wax noo tari la', misa anaga ka leexanay wada saxda aheeyd?
Waa weydiinta ugu weyn ee maaankeyga mar walbo ka bixi weysay, maxaa yeelay islaamku waa nabad galyo, dadka islaamka qaatay waa dadka ugu nabad galyada badan, marka laga eegi dhankaste, qalbi ahaan jir ahaan, caqli ahaan iyo daris ahaan, yaqaano wada noolaasho, islaamka waa diinta dhowrtay dhiiga, hantida, sharafka iyo isirka, islaamka waa kan kuu diido inaad dulmiso qof aan ku dulmin, ku faray haduu ku dulmiyo inaad cafiso, islaamka waa midka kaga digayo inaad wax yeeleyso naftaada.

Hadaba maxaa nala gudboon, ma in aan iska fadhiisano, oo aan dusha ka eegno sida wax u socdaan, oo dabka dhasho guryaheena noogu yimaado, misa in aan damino?

W/Q:Xasan Qaraabo

No comments:

Dagaal ogista jooji

Dagaal ogista jooji Waxaa maankeyga qasay, macaanka hurdada ii diiday, dareen xoog leh, oo igu riixay inaan qormo, ka qoro hab nolledkeena...