ASTAAMAHA KUWA CAABUDA SHEYDAANKA.
HORDHAC
Waxa ay mahad oo dhan u sugnaatay allaah oo inaga aburay dhoobo ka dib na candhuuf ka dibna cad yar oo hilib ah ka dibna lafo la huwiyay hilib allaah sareeyee waa mid uumisa wacan, waxa aan qirayaa in allaah mooye alla kale oo xaq lagu caabudo in uusan jirin, waxa aannqirayaa in Muxamed yahay fariin sdihii Allaah uu na yahay adoon Allaah, waxa ay nabad galyo u sugnaatay nabi Muxamed scw iyo inta raacday ilaa laga gaarayo maalinta danbe.
Ka ddib.
Waxa aan rabaa in aan maqaalkaan uga hadlo ASTAAMAHA KUWA CAABUDA SHEYDAANKA, inta aan astaamaha u galin waxa aan ku xasuusinaa aadanaha iyo sheydaan maxaa ka dhaxeyo, sida uu Allaah Qur'anka noogu sheegay sheydaan waa cadowgeena shib mooyee dheef nooma rabo, waxa uu cadownimada nagu bilaabay markii aabaheen Aadam csw la abuuray wayna soconee cadaawadiisa ilaa maalinta danbe aan laga garayo, waxa uu dhaar ku maray in uu na baadiyaynayo, jid kastana noo fariisanayo, waa uu ku taaganyahay balantiisa waxa iloobay in sheydaan cadaw u yahay waa aadanaha, qaarbaa saaxiib ka dhigtay kitaab gaablowyaal noqday, qaarbaa caabuday waa yaab oo ma sheydaan baa la cubidayaa? Amakaag yaysan kugu noqon haa dadka qeybo ka kid ah ayaa sheydaan cubudo Allaah sokadiisa.
Mar haddi ay jiraan dad caabuda sheydaanka waxaa qasab ah in ay leeyihiin wax lagu garto oo astaan u ah iyo dhaqan ay gaar u leyihiin, waxa aan kuu soo gudbin doonaa qaar ka mid ah astaahaas iyo dhaqankooda, iga hoo waxaa ka hal ah:-
1: Adeegsiga qolfoof madaxeedka.
2: xirashada dharka madow iyo dabida hal il.
3: Dhafarka iyo cabida dhiiga iyo dhageysiga musiga xoogan iyo jawi qeyl badan.
4: Waxaa kaloo lagu garta labada far oo la taago oo ay ka wadaan geesaha sheydaanka.
5: xirashada jijimaha ka sameysan lafaha iyo katiinadaha laga suubiyay faanta maroodiga iyo cijiyaha yaanyuurta ama bisadda.
6: Waa astaanta weyn ee lagu garto goobaha ay daganyihiin iyo meelaha ay ku cibaadeystaan, taaladaan ama sanamkaan waxaa loo yaqaanaa Bephomet, waxaa kaloo loo yaqaana Lucifer , waxa uu egyahay orgi madow, waxa u astaan u yahay "Xoriyada aan xuduuda laheyn.
Ugu danbeyn waxa aad ogaatay in uu ibliis yahay cadowgeen kowaad, in ay jiraan dad caabuda oo astaamo leh.
Talo iyo waano.
Haku dayanin kuwa aan kuu soo sheegay, ka fiirso wax kaste oo aad sameyneyso, iska badal haddii ay horay dhaqan kuugu ahaan jirtay ama aad iska adeegsan jirtay, ogow waxaa adeegsado astaamahaas dadka caabuda sheydaanka ha u ekaanin cid aadan wax la wadeegin.
Wixii dheeraad baaris ku sameeya.
W/Q:Hassan Qaraabo
No comments:
Post a Comment