Saturday, 9 November 2019

BAQDINTA GUURKA

BAQDINTA GUURKA

Aqriste adiga kuma quseyso haddii aad ka yar tahay da'da guurka, kuma quseyso haddii aad tahay xaasle, kuma quseyso haddii aad u diyaarsan tahay in aad mar dhow aqal gasho, oo ku dakeyso nolosha bisha malabka, balse waxa ay gaar u tahay dadka wercelintooda ay "Haa" noqoneyso, haddii aan weydiiyo weydiimahaan.

Ma dareentaa baqdin iyo walwal markii lagugu soo qaado arinta guurka?
Haa, maya, aniga weydiintaan ima quseyso, ha dagdagin.

Ma kala dirirtaa in aan asxaabtaad, qaraabadaada, xigtadaada, ku soo qaadaan arimaha la xiriiro guurka?
Haa, yaa kuu sheegay, maya, waxa aan u maleynaa in aad dad kale la hadleysid, dad kale la hadli maayo adiga ayaan kula hadlayaa, kuna weydiinayaa, tan kama baxsan doontid.

Waxa aad jeceshahay in aad ku sii noolaato nolosha kalinimada " Doobnimada", qofka aad sheeko wadaaga tihiina waxa aad ku maaweelisaa wax yaabo kale?
Haa, ninyahow caadi ma tihid, ma anigaad ila noshahay, maya, wax kale ma heysaa, haa waan hayaa, waxa aad u muuqataa nin cararayo, i sug.

Waxa aad og tahay in aysan mudnayn in laga baqo guurka, balse ma awoodid in aad xakameyso naftaada, soo sax ma aha?
Saxiix, yaa kuu waramay, waan ogahay sida aad u fakareyso, wali ma arkin weydiin aan ka warceliyo, sug haddii aad ka badbaado tan kuma quseyn qormadaan.

Markii laguu sheego in uu yimid qofkii ku guursan lahaa/ qoftii aad guursan laheyd, soo ma bato dhaqdhaqaaq wadnahaaga?
Haa, Haa, waxaa tahay qofkii ay quseysay qormadaan, haddii mid ka mid ah aad ku warcelisay Haa. Horay u gal, waxa aan kuugu xijinaa sababaha keena cudurkan " Baqdinta Guurka"

Sababaha:

1- Guur horay oo guul dareystay, ama xiriir xumaaday kuna dhamaaday khiyaano, nolol horay oo ku adkaatay.

2- in uu la kulmo qofka arimo xanuun badan, oo murugo badan, sida in ay kala tageen walidkiisa/keeda isaga/ iyada oo yar, in uu/ay ku soo koro/tay nolol adag,  ama uu/ay aragtay/ kay lamaanayaal mar walbo dagaal iyo buuq u joog ah.

3- kalsooni daro haeyso qofka/ta, iyo ka adkaan la'aanta nafta, rabitaanka oo yar owgiis.

4- ka baqidda mas'uuliyadda dheeraadka ah.

5- ku saamoobid daawashada aflaanta, musalsalaadka soo gudbibaya fariinta qaldan ee laga baahiyo guurka iyo dhibaatooyinkiisa oo kaliyah.
 Sababaha intaan waa ay ka badnaan karaan.

Talo bixin:

Waxa aan kuu soo gudbinayaa, talooyin aan isleeyahay wax bay ka badali karaan walaalkaa/shaa, iga hoo:

1- Adkay xiriirka kala dhaxeyo Allah, ku dayo fariin sidihiisa scw, ogowna guurka waa suno.

2- Allaah ka magan gal waswaasinta sheydaanka, sheydaanka kula ma doonayo wanaag, waxa uu rabaa in aad sii ahaato sida aad tahay hadda, si fududna uu kuugu rido dabinka.

3- La samey wada tashi cidda alaale cid aad isleedahay arimahaan xal bay u heli karaan.

4- Ka dheeraw inta aad isku cudurka tihiin.

5- Ogow walidkaa waxa ay sugayaan ubadkaada in ay dhabta saaraan.

"Guurka waa daganaan, waa kalgaceyl iyo naxariis"
(وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُمْ مِنْ أَنْفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُمْ مَوَدَّةً وَرَحْمَةً ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ)
[Surat Ar-Rum 21]

W/Q: Hassan Abdullahi Qaraabo

No comments:

Dagaal ogista jooji

Dagaal ogista jooji Waxaa maankeyga qasay, macaanka hurdada ii diiday, dareen xoog leh, oo igu riixay inaan qormo, ka qoro hab nolledkeena...