ISLA HESHII
Shan xeer oo kuu sahli karto in aad isla heshiiso.
Aqristaheyga qaaliga ahow.... Haa Haa, waa adiga aqrinayo qormadeyda la sii raacayo indhaha,.... waxa aan kaa codsanaa in aad i soo raacdo, ishaada oo kaliyah marabo, Haa, Haa, i soo raac, i soo raaci maankaaga, laabtaada, ruuxdaada, qormadaan waa kuu muhiim, sida aad ku aragtay cinwaanka qormada.
Ma xusuustaa arin adag oo ku soo martay... Ama oraah laabta kaa xanuujisay..... Ma qubatay ilmo badan, sababtu ha ahaato mid mudan iyo mid aan mudnayn ba???
Maku soo martay xili aad ogolaan weyso in aad isla sheekeysato adiga oo kaliyah is xisaabiso??
Waxa aad ku warcelineysaa wali si hoose Haa, Haa.
Imisa jeer ayaad ku dhax wareertay maankaaga iyo laabtaada?
Imisa jeer ayaad raacday maankaaga, oo aad ka shaleysay.
Imisa jeer ayaad raacday laabtaada, oo aad dareentay xanuun.
Waa waxa ay ka sheeganayaan dad badan..., is diidanaan iyo kala tagsanaan dhanka laabta iyo maanka. Nolosha mar waxa ay noo qaadee dhankaa iyo Waqooyi, marna dhankaa iyo Koofur, waxaan galnaa tijaabooyin, waxa aan ka soo baxnaa anaga oo taag daran, jilicnay naf ahaan.
Allaah nooma abuurin oo kaliyah in aan rafaadno, oo aan dhibaatoono, balse waxa uu noo abuuray in aan caabudno; si aan u faraxno, una buuxino baahideena dhanka ruuxda ah, in aan shaqeysano; si aan u buuxino baahideena dhanka maadiga ah.
In aad aqbasho in aad isla heshiiso, waxa ay la nuxur tahay: in aad aqbasho nolosha iyo waxa ka soo baxa Aadanaha, Xaywaanka, Dhacdooyinka, si aad uu xaqiijiso arintaas waxaa laga ma maarmaan kuu ah in aad qaadato shantaan xeer:-
1- In aad barato naftaada iyo sida aad u sharfi laheyd.
2- U qaado maalin kaste oo noloshaada soo marto, in ay la mid tahay xiligii aad xiisadaha qaadaneysay, ka baro kufkufka nolosha cashiro, nolosha waa cashiro aan dhamad laheyn.
3- khalad laga ma helo nolosha, ee waa tijaabooyin iyo cashiro.
4- Allaah waxa uu ku siiyay awood aad wax ku dooran karto, indho aad wax ku arki karto, maan aad wax ku weeleyn karto, waxa uu kuu sheegay in lagaa rabo xisaab celin, wax kaste oo aad sameyso adigaa ayaa wax lagaa weydiina, wax kastood xaqiijisana adiga ayaa guranayo miraheeda.
5- La istaag naftaada, aqri naftaada oo daraasay, xisaabi inta aan lagu xisaabinin, u fiirso howlaha ay kuu direyso, Haa, si fiican u daraasay, waxa aad kari doontaa in aad badasho.
Xili walbo iigu noolow, nolol ku dhisan kitaabka allaah iyo raacista fariin sidihiisa Muxamed scw, waa meesha aad ka heli karto guusha iyo laab daganaanta.
Ugu danbeyn
Ogow naftaad xaq bay kugu leedahay, sii jaceyl, ku ahaaw kormeere aan nasan, ku qanci wanaaga, ka leexi xumaha, jeclaaw naftaada.
W/Q: Hassan Abdullahi Qaraabo

No comments:
Post a Comment